Skip to content

Xadka bari ee Finland waa uu sii xirnaanayaa

sisäministeriövaltioneuvoston viestintäosasto
Julkaisuajankohta 11.1.2024 13.35
Tiedote

Golaha dowladda ayaa go’aan ku gaaray, in baraha xad ka soo tallaabista ee ku yaalla soohdinta u dhexeysa Finland iyo Ruushka ay weli sii xirnaanayaan illaa iyo 11.2.2024-ka. Magangalyada ama badbaadada caalamiga ah lagama soo codsan karo baraha xad ka soo tallaabista ee ku yaalla soohdinta u dhexeysa Finland iyio Ruushka. Arrinkaanna waxaa lagu go’aamiyay kulan ay yeesheen golaha dowladda taarikhdu markii ay ahayd 11.1.2024.

Golaha dowladdu waxaa ay go’aamiyeen taariikhdu markii ay ahayd 14.12.2023, in muddo bil ah si kummeelgaar ah loo xiro baraha xad ka soo tallaabista xadka bari ee Finland, iyo in codsiga badbaadada caalamiga ah la isugu geeyo hal meel. Sidaas waxaa loo yeelay in lagu joojiyo dal soo gelitaanka qalabaysan ee ka socday xadka bari ee Finland.

-Iyadoo lagu salaynaayo xogta ay soo uruuriyeen mas’uuliyiinta dowladda, waxaa weli si dhab ah oo aad ah u jirta khatarta ah in saamaynta farsamaysan ee Ruushka ay dib u bilaabato, islamarkaana ay ka sii ballaarato sidii hore ee ay ahayd. Sababtaas ayay lagammamaarmaan u noqotay in weli la sii wado xiritaanka xadka bari, sidaas waxaa tiri wasiirka arrimaha gudha Mari Rantanen.

Khatarta in markale kale xadka bari uu dib uga bilowdo dal soo gelitaanka qalabaysan, waa mid khatar aad u weyn ku keenaysa amniga qaranka iyo nidaamka guud ee dalkaan Finland. Sida ay hawlwadeennada dowladdu sheegeen, waa arrin iska cad in dal soo gelitaanku uu ahaa mid ay saamayn ku leeyihiin hawlwadeennada Ruushka ama hawlwadeenno kale, oo iyagu gacan ka gaystay arrinkaas dal soo gelitaanka. Sidoo kale dhacdadaan waa mid la xiriirta dambiyada caalamiga ah.

Sida ay caddaynayso warbixinta hawlwadeennada dowladda, waxaa weli agagaarka xadka ku sugan dad soo galooti ah oo sugaaya furitaanka xadka bari. Sidoo kale xiisaha ah in laga soo baxo dalalkii ay ka yimaadeen ayaa ah mid weli taagan.

Golaha dowladdu waxaa uu qiimayn ku sameeyay nuxurka go’aanka iyo baaxadda uu leeyahay, iyadoo lagu salaynaayo horumarka ay xaaladdaan samaynayso, waxaana ay arrinkaan iska kaashanayaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo hawlwadeennada kale ee dowladda. Go’aankaan waa la burinayaa ama waxbaa laga beddelayaa, haddii ay meesha ka baxdo baahida loo qabo ee ah ka hortagga arrinka khatarta aadka u daran ku ah aminga qaranka iyo nidaamka guud ee dalka. Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ay sidoo kale caddayn doontaa ama ka salgaari doontaa qaababkii kale ee lagu soo afjari karo dhacdadaan.