Finland waxaa ay xiraysaa goobo kale oo dheeraad ah oo ka mid ah baraha koontaroollada ee xad ka soo tallaabista

Golaha dowladdu waxaa ay go,aan ku gaareen in ay xiraan goobaha xad ka soo tallaabista ee ku yaalla xuduudka Bari ee kala ah Kuusamo, Salla iyo Vartius, laga bilaabo Jimcaha ay taariikhdu tahay 24.11.2023 saacadda 00.00. Dhammaan baraha koontaroolka ee xadka laga soo tallaabo ee xuduudka Bari waxaa la isugu gaynayaa barta koontaroolka ee xadka laga soo tallaabo ee Raja-Joosep. Arrinkaan waxaa lagu go’aamiyay shir aan caadi ahayn oo dheeraad ah oo ay yeesheen golaha dowladda taariikhdu markii ay ahayd 22.11.2023. Go’aanku wuxuu shaqayn doonaa ilaa iyo 23.12.2023.
Si kasta oo hore loogu gaaray go’aankii ahaa xadaynta, haddana soo gelitaanka dalka ee dhanka xaduudka Bari ee Finland waa uu sii socday, wuxuuna ku sii fiday baraha kale ee koontaroolka ee xad ka soo tallaabista. Sida ay dowaldda iyo hawlwadeennadeeduba ku qiimeeyeen, dal soo gelitaankaan qalabaysan ee ka imaanaaaya dhanka Ruushka iyo ku sii fidistiisa goobaha kale, waa arrimo keeni kara hanjabaad iyo khatar culus oo soo waajahaysa ammaanka qaranka iyo nidaamka guud ee dalka.
Iyadoo lagu salaynaayo aragtida ciidanka ilaalada xuduudaha iyo hawlwadeennada kale ee dowladda, iyo waliba sidoo kale macluumaadka la helay waxaa arrin cad ah, in ay jiraan arrimo tilmaamaaya in hawlwadeenno dalal ajnabi ah iyo hay’ado kale oo shaqo hayay ay qayb ka ahaayeen ka caawinta iyo u sahlidda in shakhsiyaad ay si sharco darro ah xadka uga soo gudbaan oo dalka u soo galaan. Arrinka haatan taagan waa dhacdo, taasoo ay hawlwadeennada dowladda Ruushku u oggolaadeen si ka duwan sidii hore. Sidoo kale waxaa dhacdadaan ay noqonaysaa mid ku lug yeelanaysa danbi heer caalami ah.
Laga soo bilaabo Illaa iyo bishii Agoosto waxaa dalkaan Finland soo galay 700 oo qof oo ka soo jeeda dalalka dunida saddexaad, kuwaasoo iyagoo aan wax fiiso ah wadan ka soo talaabay baraha koontaroolka ee xad ka soo tallaabista ee ku yaalla xuduudda Bariga. Dadkaasi waxaa ay magangalyo qaxootinnimo ka codsadeen dalka Finland.
Dhammaan baraha koontaroolka ee xad ka soo tallaabista xuduudka Bari waxaa la isugu geynayaa Raja-Joosep
Dadka ka soo tallaabaya baraha xad ka soo tallaabista xuduudka Bari ee u dhexeeya Finland iyo Ruushka, waxaa inta go’aankaan uu shaqaynaayo ay isticmaalyaan barta xad ka soo tallaabista ee Raja-Joosep. Xitaa muwaadiniinta u dhalatay dalkaan Finland waxaa ay isticmaalayaan barta xad ka soo tallaabista Raja-Joosep. Suuraggal ma ahan in codsashada qaxootinnimada ama badbaadada caalamiga ah laga sameeyo meel kale oo ka mid ah dhulka xuduudka ah ee u dhexeeya Finland iyo Ruushka.
Go’aankan waa mid ku salaysan xeerka ilaalada xuduudaha
Sida uu dhigaayo xeerka ilaalada xuduudaha, golaha dowladda waxaa ay go’aan ka gaari karaan arrinka ku saabsan xirista goobaha xad ka soo tallaabista, haddii xiritaankaas uu yahay mid lagammamaarmaan u ah sidii looga hortagi lahaa khatar aad u weyn oo ku imaanaysa nidaamka guud ee dalka, ammaanka qaranka ama dhibaato khatar ku ah caafimaadka dadka. Sidoo kale golaha dowladdu waxaa ay haddii loo baahdo go’aamin karaan arrinka ku saabsan, in codsiga badbaadada caalamiga ama magangalyada qaxootinnimo la isugu geeyo hal ama dhowr goobood oo ka mid ah baraha xad ka soo tallaabista.
Golaha dowladda ayaa la socon doona xaaladda xuduudka Bari, iyagoo arrinkaas la kaashan doona hawlwadeennada kale ee dowladda. Go’aanka waxaa la burinayaa ama wax laga beddelayaa, haddii xaaladda haatan taagan ay isbeddesho.