Hyppää sisältöön

Mar kale ayaa la xirayaa dhammaan xadka bari ee Finland

sisäministeriövaltioneuvoston viestintäosasto
Julkaisuajankohta 14.12.2023 18.23 | La daabacay 15.12.2023 10.01
Tiedote

Golaha dowladdu waxaa ay go,aan ku gaareen in ay xiraan baraha xad ka soo tallaabista ee ku yaalla soohdinta u dhexeysa Finland iyo Ruushka illaa iyo 14.1.2024-ka. Go’aanku wuxuu dhaqangalayaa 15.12.2023 saacaddu marka ay tahay 20. Magangalyada caalamiga ah lagama soo codsan karo, ama la iskama soo dhiibi karo baraha xad ka soo tallaabista ee ku yaalla soohdinta u dhexeysa Finland iyo Ruushka. Arrinkaan waxaa lagu go’aamiyay shir aan caadi ahayn oo ay golaha dowladdu yeesheen 14.12.

Baraha xad ka soo tallaabista ee Vaalimaa iyo Niirala ayaa loo furay gaadiidka khamistii 14.12. Ujeedadda arrinkaas laga lahaa waxaa ay ahayd in si tartiib tartiib ah loo qaado xaddidaadaha dhaqdhaqaaqa xadka ee lagu soo rogay soohidinta u dhexeysa Finland iyo Ruushka, islamarkaana lala socdo saamaynta ay qaadista xaddidaaddaas leedahay. Dal soo geltaanka qalabaysan ee xadka bariga waa uu socday illaa iyo khamiistii.

- Arrinkaan waxaa ay calaamad u tahay, in hawlgalka farsamaysan ee ay hawlwadeennada Ruushku ku hayaan dalkaan Finland uu weli socdo. Arrinkaanna ma ahan mid ka shaqaynaaya ama ka soconaaya dalkaan Finland, sidaasna waxaa tiri wasiirka arrimaha gudaha ee Finland Mari Rantanen.

Sida ay sheegeen hawlwadeennada dowladda waxaa arrin iska cad ah, in dal soo gelitaanka uu ku dhacay qaab ay saamayn ku leeyihiin hawlwadeennada waddamo shisheeye ama qolooyin kale oo hawlaha arrinkaan ku saabsan wada. Sidoo kale dhacdadaani waa mid la xiriirta faldambiyeedka caalamiga ah. Dhacdadaan iyo halisteeda ah in ay sii ballaarato ayaa waxaa ay khatar aad u weyn ku keenayaan ammaanka qaranka iyo nidaamka guud ee dalkaan Finland.

Golaha dowladdu waxaa ay arkeen, in sii socoshada dhacdadaan awgeed ay lagammamaarmaan tahay, in golaha dowladdu uu gaaro go’aan cusub oo heer golaha dowladda ah, kaasoo sida lagu sheegay mar kale la xiraayo baraha xad ka soo tallaabista ee Vaalimaa iyo Niirala. Xuduudaha dibadda ee Finland, waxaa codsiga magangalyada caalamiga ah la isugu geynayaa baraha xad ka soo tallaabista furan ee gaadiidka cirka iyo badda.