Hyppää sisältöön

Finland waxaa ay sii wadaysaa xaddidaaddii lagu soo rogay xadka bariga, si xaaladda wax looga qabto – Dowladdu waxaa ay diyaar u tahay in ay qaaddo tallaabooyin cusub oo xaalka lagu sii adkaynaayo

sisäministeriö
Julkaisuajankohta 12.12.2023 14.55
Tiedote

Finland waxaa ay sii wadaysaa xaddidaaddii lagu soo rogay xadka bariga. Goobaha xad ka soo tallaabista waa ay xiran yihiin marka laga reebo goobaha xad ka soo tallaabista ee Vaalimaa iyo Niirala, kuwaasoo gaadiidka loo furi doono khamiista 14.12. Dowladdu mar kale ayay xiri doontaa dhammaan xadka bariga, haddii uu sii socdo dal soo gelitaanka qalabaysan ee laga soo shaqeeyay ee xadka bariga.

Arrinkaan waxaa lagu go’aamiyay shir aan caadi ahayn oo dheeraad ah oo ay yeesheen golaha dowladda taariikhdu markii ay ahayd 12.12. Go’aanku wuxuu shaqayn doonaa illaa iyo 14.1.2024.

-Lama xaqiijin karo in loo jihaystay dhanka isbeddelka wanaagsan, iyadoo aan laga laaban ama la burin xaddidaadda. Sababtaas awgeed ayaan hadda u furaynnaa laba goobood oo ka mid ah baraha xad ka soo tallaabista, iyadoo loo furaayo qaab laga baaraan degay oo si fiican loola socdo. Si kastaba ha ahaatee, waxaan ilaalinaynnaa u diyaargarowga heerka sare ah ee xaddidaadaha cusub. Finland waxaa xil ka saaran yahay nabadgalyadeeda qaranka, sidaasna waxaa carrabka ku adkeeyay ra’iisulwasaaraha dalkan Finland, Petteri Orpo.

Dhammaan goobaha xad ka soo tallaabista bariga waxaa la isugu gaynayaa Vaalimaa iyo Niirala

Dadka ka soo tallaabaaya baraha xad ka soo tallaabista xudduudka bari ee u dhexeeya Finland iyo Ruushka, waxaa inta go’aankaan uu shaqaynaayo ay isticmaalyaan Vaalimaa iyo Niirala. Xitaa muwaadiniinta u dhalatay dalkaan Finland waa in ay isticmaalaam baraha xad ka soo tallaabista ee furan. Gaadiidka shixnadaha ee ka soo gudbaaya dhanka Vainikkala sidiisii ayuu u sii socon doonaa.

Xadka bariga, waxaa kaliya oo magangalyada qaxootinnimo ama badbaadada caalamiga ah laga codsan karaa goobaha xad ka soo talaabista ee Vaalimaa iyo Niirala.

-Si kastaba ha ahaatee waxaan doonaynnaa inaan carrabka ku adkaynno, in xaaladahaan jira awgeed aysan ahayn in la aado xudduudka u dhexeeya Finland iyo Ruushka. Finland waxaa ay doonaysaa in ay xaqiijiso, in xadkeenna bariga uusan noqon waddo loo sii maro Yurub oo si qalabaysan ama laga soo shaqeeyay looga soo galo dalka , Sidaasna waxaa carrabka ku adkaysay wasiirka arrimaha gudha ee Finland Mari Rantanen.

Sida ay hawlawadeennada dowladdu qiimaynta ku sameeyeen, waxaa muuqata in khatartii jirtay aanay wali dhammaan. Sida dhabta ah wali waxaa dhulka Ruushka jooga tiro aad u badan oo soo galooti ah. Sidoo kale hawlwadeennada Ruushka ayaa wali awood u leh in ay dadka soo galootiga ah ka faa’iidaystaan si ay ugu soo qalabeeyaan soo gelitaanka dalkaan Finland.

Dowladda iyo hawlwadeennadeedaba si feejignaan leh ayay ula socon doonaan arrimaha ka soo cusboonaada xadka bari ee dalka. Finland waxaa xil ka saaran yahay oo ay ilaaninaysaa aminga xuduudaheeda, nidaamka guud ee dalka iyo amniga qaranka.