Hoppa till innehåll

Xadka bari ee Finland waa uu sii xirnaanayaa

sisäministeriö
Julkaisuajankohta 8.2.2024 13.32
Tiedote

Golaha dowladda ayaa go’aan ku gaaray, in baraha xad ka soo tallaabista ee ku yaalla soohdinta u dhexeysa Finland iyo Ruushka ay weli sii xirnaanayaan illaa iyo 14.4.2024-ka. Sidoo kale magangalyada ama badbaadada caalamiga ah lagama soo codsan karo baraha xad ka soo tallaabista ee ku yaalla soohdinta u dhexeysa Finland iyio Ruushka. Arrinkaanna waxaa lagu go’aamiyay kulan ay yeesheen golaha dowladda taariikhdu markii ay ahayd 8.2.2024.

Go’aankan hadda la gaaray ayaa ku sii kordhinaaya xirnaanshaha gabi ahaanba xuduudka bari muddo laba bilood ah. Xaaladdaas haatan jirta ayaa ah mid munaasb ah, islamarkaanna lagamammaarmaan ah, waayo waxaa socda ama jira ifafaale qalabaysan oo dadka soo galootiga ah, kaasoo khatar aad u weyn ku ah amniga iyo nidaamka guud ee dalka. Iyadoo lagu salaynaayo xogta ama macluumaadka rasmiga ah ee hawlwadeennada dowladda, ayaa waxaa xaqiiq ah in ifafaalahaas uu dib u bilaaban lahaa, haddii ay jiri lahaayeen meelo furan oo ka mid ah baraha xad ka soo tallaabista.

-Ma jirto fiiro ama aragti tilmaamaysa in hawshaan uu Ruushku wado ay yeelanayso wax isbeddel ah. Laakiin arrinku waa taa lidkeeda, oo xogaha ama macluumaadka la helay waxaa ay xaqiijinaayaan qiimeynta ah, in Ruushku uu weli sii wado hawlgalka farsamaysan. Waxaa jirta sabab keeneysa, in la maleeyo, in aan gacanta ku haynno xaalad soconaysa muddo aad u dheer. Agagaarka xadka Ruushka waxaa jooga ugu yaraan boqollaal, waxaaba dhici karta sida dhabta ah in ay yihiin kumannaan muhaajiriin ah, kuwaasoo sugaaya fursadda ah sidii ay ku soo geli lahaayeen dalkaan Finland, sidaas waxaa sheegtay wasiirka arrimaha gudaha Mari Rantanen.

-Sii socodsiinta gabi ahaanba xiritaanka xadka bari waa arrin la fahmi karo in ay aysan wanaagsanayn, gaar ahaan dadka deggan Finland ee xubnahooda qoyska ama ehelkooda ay ku nool yihiin dhinaca kale ee xadka. Si kastaba xiritaanka kummeelgaarka ah ee baraha xad ka soo tallaabista waa arrin ka dhalatay falalka ay Ruushku sameeynayaan, sababtaas awgeeedna ay Finland waajib ku tahay, in ay amniga qarankeeda ka hormariso waxyaabaha kale oo dhan, ayay tiri wasiirku iyadoo hadalkeeda sii wadata.

Dal soo gelitaanka qalabaysan waa qaab ka mid ah qaababka uu Ruushku ku doonaayo inuu saamayn ugu yeesho xasilloonida bulshada iyo ammaanka dalkaan Finland iyo dalalka yurub. Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa iyadoo kaashanaysa wasaraadaha kale ay baaritaan ku samaynaysaa, qaababka ama fursadaha kale ee wax looga qaban karo sidii loo soo afjari lahaa ifafaalahaan ka jira xadka. Xaqiijinta hawlaha la xiriira dhanka sharciyada oo aad looga taxaddaray, iyo go’aanno ku salaysan arrinkaas oo laga gaaro, waxaa ay u baahan yihiin wakhti ku filan oo hawlahaas loogu diyaargaroobo.