Hoppa till innehåll

Xadka bari ee Finland waa uu sii xirnaanayaa

sisäministeriö
Julkaisuajankohta 4.4.2024 13.42 | La daabacay 4.4.2024 16.14
Tiedote

Golaha dowladda ayaa go’aan ku gaaray, in baraha xad ka soo tallaabista ee ku yaalla soohdinta u dhexeysa Finland iyo Ruushka ay weli sii xirnaanayaan laga bilaabo 15.4.2024-ka. Waxaa intaas dheer in dekedaha Haapasaari, Nuijamaa iyo baraha xad ka soo tallaabista gaadiidka badda ee Santio laga xiray gaadiidka raaxada ama madaddaalada laga bilaabo  15.4. Arrinkaanna waxaa lagu go’aamiyay kulan ay yeesheen golaha dowladda taariikhdu markii ay ahayd 4.4.2024-ka. Go’aanku wuxuu shaqaynayaa illaa iyo muddo aan la cayimin, laakiin ugu badnaan tan iyo inta uu  lagammamaarmaanka yahay.

Xirista baraha xad ka soo tallaabista ee gaadiidka badda laga xiray gaadiidka madaddaalada ama raaxada, waxaa loogu diyaargaroobayaa arrinka ah, in maadaama xilligii gu’ga la galay ay suuraggal tahay in dal soogelitaanka qalabaysan uu ku soo fido ama soo gaaro gaadiidka badda. Arrinkaan waxaa ay khatar ku tahay dadka doonaaya in ay dalka soo galaan, waxaana ay culays ku noqonaysaa hawsha gurmad badeedka.

Codsiga magangalyada caalamiga ah waxaa laga bilaabo 15.4.2024-ka la isugu geynayaa baraha  kale ee xad ka soo tallaabista gaadiidka badda  iyo baraha xad ka soo tallaabista gaadiidka cirka.

Khatarta ah in dal soo gelitaanka qalabaysan uu mar kale dib u bilowdo waa mid weli suuraggal ah in ay dhacdo

Iyadoo lagu salaynaayo macluumaadka ay hayaan hawlwadeennada dowladda, khatarta ah in dal soo gelitaanka qalabaysan uu mar kale dib u bilwodo, isagoo weliba sidii hore ee la arkay ka sii ballaaran, waa mid suuraggal ah ama xaqiiqda u dhow in uu dhaco.  Dhacdadadaan sii socoshadeeda waa mid  khatar aad u weyn ku keeneysa ammaanka qaranka iyo nidaamka guud ee dalkaan Finland.

Sida ay sheegeen hawlwadeennada dowladda Finland arrinka taagan waa mid ah xaalad wakhti dheer qaadanaysa. Xilligaan gu’ga dhexdiisa ah ma jirto wax fiiro ama indho-indhayn ah, oo iyadoo taas lagu salaynaayo loo qaadan karo in xaaladdu ay isbeddeshay. Waxaa intaas dheer in maadaama xilligii gu’ga la galay, ay sii kordhayso suuraggalnimada ah in cadaadiska arrinakaas uu sii bato. Nawaaxiga xadka u dhexeeya Finland iyo Ruushka waxaa jooga boqolaal ama lagaba yaabo kummanaan qof, kuwaasoo ay suuraggal tahay in lagu soo qalabeeyo dalkaan Finland, sidaas waxaa sheegtay wasiirka arrimaha gudaha Mari Rantanen.

Dal soo gelitaanka qalabaysan waa qaab ka mid ah qaababka uu Ruushku ku doonaayo inuu saamayn ugu yeesho xasilloonida bulshada iyo ammaanka dalkaan Finland iyo dalalka yurub. Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ay iyadoo kaashanaysa wasaraadaha kale baaritaan ku samaynaysaa, qaababka ama fursadaha kale ee wax looga qaban karo sidii loo soo afjari lahaa ifafaalahaan ka jira xadka.

Waxaa haatan la diyaarinayaa sharciga looga hortagaayo dal soo gelitaanka qalabaysan. Sharcigu wuxuu qeexayaa shuruudaha lagu xaddidaayo in qaabilaadda codsiyada ku saabsan magangalyada caalamiga ah lagu soo koobo qayb ka mid ah soohdinta qaran ee Finland iyo nawaaxigeeda tooska ah. Wakhtigii wareegga warbixineed ee sharciga waa uu soo dhammaaday, waxaana ay u jeedadu tahay in sharci soo jeedinta arrinkaas sida ugu dhakhsaha badan loogu gudbiyo baarlamaanka dalka.